Itoobiya oo jawaab deg-deg ah kasoo saartay bayaanka kulan afar-geesood ah oo shalay ay yeesheen hor-joogayaasha maamullada Masar, Suudaan, Eretariya iyo hor-joogaha Villa Soomaaliya, kuwaas oo ka hadlay arrimo la xiriira webiga Niil iyo Badda Cas.
Bayaan maanta oo Isniin ah kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya aysan cidna uga habrin doonin danaheeda sharciga ah ee Webiga Niil iyo Badda Cas, mowqifkeedana aysan beddeli karin hadallo la iska yiri ama tallaabooyin cadaadis iyo qalqal-gelin ah.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Itoobiya tahay isha uu kasoo burqado Webiga Abay, oo inta badan loo yaqaan Niilka Buluugga ah, isla markaana uu keeno qiyaastii 85% qulqulka guud ee Webiga Niil. Sidaa darteed waxa habboon ayay tiri, in dood kasta oo ku saabsan isticmaalka iyo maaraynta webiga Niil ay tixgeliso xaqiiqadaasi.
Geesta kale Itoobiya waxay ku doodday inay juqraafi ahaan iyo taariikh ahaanba xiriir dhow la leedahay badda, iyadoo tilmaantay in xuduuddeeda ugu dhow xeebta ay u jirto qiyaastii 30 mayl ama ku dhowaad 48 km oo kaliya.
Itoobiya waxay sidaas darteed ay mar kale ku doodday in garnaqsiyada ku saabsan arrimaha badda iyo qaab-dhismeedka amniga gobolka ay tahay inay tixgeliyaan wax ay ku tilmaantay danaha sharciyeysan iyo xiriirka joogtada ah ee Itoobiya la leedahay Badda Cas.
Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in xaqiiqooyinka juqraafiga iyo taariikhiga ah aan lagu beddeli karin hadallo siyaasadeed, tallaabooyin qasab ah ama falal lagu khalkhal gelinayo gobolka.
Waxa kale oo dowladda Xabashida Itoobiya ay si gaar ah uga digtay tallaabooyin loo adeegsado wakiillo ama falal gardarro ah, kuwaas oo ay sheegtay in aysan waxba ka beddeli doonin wax ay ku sheegtay xaqiiqooyinka jira ama danaha Itoobiya ee gobolka.
Shalay ayay ahayd markii Siisi, Afawerki, Al-Burhaan iyo Gurguurte ay ku kulmeen magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar, kuna dhawaaqeen in xakamaynta Badda Cas ay ku egtahay oo keliya dalalka xeebaha leh, kana digeen in isticmaalka webiga Niil aysan ku ekaan hal dhinac oo keliya.
